|
Xarardheere,(insidesomalia.org)-Masuuliyiin ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa waxaa ay maanta meel fagaaro ah kala hadleen shacabka ku nool Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug, waxaana ay digniin culus u jeediyeen Kooxaha Burcad Badeeda iyo weliba kuwa dhiganaya Jidgooyooyinka.
Kooxdani oo la sheegay in ay wateen Gaadiid kuwa rayidka ah ayaa waxaa ay xalay fiidnimadii gaareen Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, iyagoo la sheegay in ay ka tageen deegaano ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.
Waaberigii saaka ayeey waxay bilabeen kulamo ay la qaadanayaan waxgaradka iyo Culumaa’udiinka Deegaankasi, waxaya ugu danbeeyntii barqadii maanta meel fagaaro ah kala hadleen Dadka ku nool Degmadas,i waxayna u sheegeen in ay talaabo adag ka qaadi doonaan kooxaha Burcad Badeeda oo ay sheegeen in ay meel sare kaga jiraan waxa ay ku tilmaameen cuna qabateeyn lagu hayo shacabka Soomaaliyeed waxaana ay tusale u soo qaateen sicir bararka ka jira Gudaha Dalka Soomaaliya.
Waxaa Masuuliyiintaasi ka Ttrsan Ururka Al Shabaab ay digniin culus u jeediyeen dadka ku nool degmadasi, iyagoo sheegay in ay taageero siiyaan Kooxaha Burcad Badeeda ah ee dhibaateynaya shacabka soomaaliyeed,iyagoo uga digay cidii ay ku arkaan arinkaasi in ay talaabo laga qaadi doono,ayagoo sheegey in ay la tiigsan doonaa Sharciga, isla markaasina ay qoorta ka jari doonaa sida ay sheegeen.
Xubanahani ka tirsan Ururka Al shabaab ayaa sidoo kale waxaa ay dadkasi u sheegeen in ay qaadi doonaan Jidgooyo ay sheegeen in ay yaalaan inta u dhexeeysa Degmada Xarardheere iyo Magaalada Muqdisho oo ah wado dheer oo ay dadku aad u isticmaalaan.
Mudooyinkii ugu danbeeyay ayaa ururka AL shabaab iyo kooxo kale oo si weeyn uga soo hor jeeda Siyaasada Dowladda iyo Joogitaanka Ciidamada Itoobiyaanka ee gudaha Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay ku sii xoogeeysanayeen Gobolada Dalka, gaar ahaan Konfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Waxaana ay ku soo aadeeysaan arintani xili meelo badan oo ka mid ah dalka ay ka jiraan dagaalo xoogan oo u dheexeeya Ciidamada Itoobiyaanka iyo Xoogaga ka soo hor jeeda, taasi oo dhaxal siisay in magaalooyin badan oo dalka ah ay noqdaan Maamul la’aan, kadib markii Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda ay u taagwaayeen xoogaga ka soo hor jeeda oo ay isaga bexaan, isla markaan kuwa kalena ay iyana isaga tagaan Magaalada ay qabsadaan.
|